Faahfaahin: Masuul ka tirsanaa Maamulka Magaalada Jowhar oo qarax lagu dilay

Qarax miino oo maanta ka dhacay suuqa xoolaha ee magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe, kaasoo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Waxaa qaraxaas lagu dilay Daahir Maxamed Kaanti oo ahaa sarkaal ka tirsanaa waaxda Maaliyadda dowladda hoose ee magaalada Jowhar, kaasoo ku sugnaa suuqa xoolaha ee magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in Marxuumka oo markii dhaawac halis ah qabay uu ku geeriyooday isbitaalka magaalada Jowhar oo loola cararay.

Askari ka tirsa ciidanka amaanka magaalada Jowhar ayaa sidoo kale la sheegay inuu ku dhaawacwmay qaraxaas oo loo adeegsaday miino goobtaas lagu aasay.

Ciidamada amaanka Magaalada Jowhar ayaa sameeyey howlgalo baaritaan ah inkastoo aan la sheegin cid illaa soo xiray qaraxaas oo noociisa inta badan looga bartay kooxda Al-shabaab

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -