Dil goordhaw loo geestay Sakariye Siciid Salaad iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi kooxo hubeesan ku dileen Madixii Waaxda Barakacayaasha Dowladda-hoose ee degmada Gaalkacayo, Sakariye Siciid Salaad .

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in dhallinyaro biskoolado ku hubeesan ay toogteen  Sakariye Siciid Salaad xilli uu ku sugnaa xero barakac uu shaqo u joogay, waxaana dilka kadib goobta si degdeg ah uga baxdsay kooxdii fulisay dilka qorsheesan.

Ciidamada ammaanka maamulka Puntland ayaa daqiiqado kadib soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, ciidamada ayaana halkaasi ka sameeyay howlgalo baaritaano ah oon wali la ogeyn in dad la tuhmayo lagu soo qabtay.

Ammaanka Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa muddooyinkan dambe kasoo reenayay, waxaana magaaladaasi ku yaraaday dilalka qorsheesnaa ay fulin jireen kooxaha hubeesan.

Maamulka Puntland ayaa toogasho ku fuliyay rag lagu eedeeyay in dilal qorsheesan ka fulin jireen magaalada Gaalkacyo,waxaa sidoo kale xabsiyo ku jira rag kale oo iyagana qaarkood xukuno dil ah lagu riday kuwaa oo la sheegay in Al Shababa katirsan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -