Siyaasiyiin Xildoon ah oo buux dhaafiyay guriga Madaxweyne Xasan Sheekh

Guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga dareemayaa mashquul saa’id ah, waxaana gurigaasi saacad walbo tagaya siyaasiyiin kala duwan oo u badan xildoon.

Siyaasiyiinta buux dhaafiyay guriga Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isugu jira kuwa hada Xildhibaano ah iyo siyaasiyiin kale oo qaarkood ku jiraan xukuumadda xil-gaarsiinta, waxaana nin walbo halkaasi u tagaya danihiisa gaarka ah.

Sida aan xogaha ku heleyno siyaasiyiinta xildoonka ah ayaa isugu jira kuwa doonaya xilka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo kuwa kale oo doonaya in ay xubno ka noqdaan xukuumadda cusub ee lasoo dhisayo.

Guriga Xasan Sheekh waxaa sidoo kale ku sugan dalaaliin siyaasadeed kuwaa oo u kala turjumaya Madaxweynaha iyo xubno xildoon ah oo soo maray raga dalaaliinta ah ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo siyaasiyiinta jago doonka ah.

Waxaa sidoo kale guriga Madaxweynaha cusub buux dhaafiyay dhallinyaro ay ku jiraan guddoomiyala degmo hore iyo kuwa kale oo katirsanaa shaqaalihii dowladdii uu Xasan Sheekh hoggaamin jiray kuwaa oo mar kale doonaya in boosas ka helan dowladda cusub.

Inta badan siyaasiyiintii iyo dadkii kale ee lasoo shaqeeyay dowladdii hore uu Madaxweynaha uga ahaa Xasan Sheekh ayaa laga eryay boosaskii ay joogeen, waxa ayna dhoorkii sanno ee lasoo dhaafay ahaayeen baaga muudo.

Dowladda cusub uu hoggaamin doono Xasan Sheekh afarta sanno ee soo socota ayaa waxaa boosas ka heli doona dad badan oo baaga moodo ahaa shantii sanno ee lasoo dhaafay kuwaa oo lagu calaamadeeyay Damul Jadiid, halka kuwa badan oo Nabad iyo Nolol ahna ay markoodi dhadhamin doonaan xannuunka baagamuudada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -