Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo xaaf kusoo dhaweeyay Duleedka Godinlabe (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Galmudug uu wehliyo kuxigeenkiisa iyo masuuliyiin kale ayaa duleedka deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud kusoo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Xaaf iyo xubno la socday ayaa safar dhinaca dhulka ah uga soo ambo baxay magaalada Gaalkaco uu mudooyinkan ku sugnaa , waxaana Xaaf oo kusoo jeeda Dhuusomareeb kahor tagay soona dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Waxaa lagu wadaa in magaalada Dhuusomareeb soo galaan iyaga oo wada socda Madaxweynaha Cusub ee Galmudug iyo Madaxwenihii hore ee maamulkaasi een wali xilka wareejin.

Madaxtooyada Galmudug ayaana la filayaa in kulamo ku yeeshaan Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor iyo Madaxweyne hore Xaaf marka ay soo gaaraan magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug.

Xaaf oo kasoo horjeestay doorashadii uu kusoo baxay Madaxweyne Qoor Qoor, hasa ahaatee wadahadalo hoose oo mudooyinkan socday ayaa ugu dambeyn Xaaf lagu qanciay in doorashada aqbalo kuna wareejio xilka Madaxweynaha la doortay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Dad careysan oo dab qabadsiiyay Safaarada Israel ee Magaalada..

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo baajiyey safar uu ugu ambabaxi lahaa Qadar & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Wasiir hore oo sheegay in Ciidamada NISA gurigiisa kusoo weerareen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---