Boqortooyada Sacuudiga oo garab istaag u muujisay Dowlada Soomaaliya

Boqortooyada Sacuudi Arabia bayaan ka soo baxay oo looga hadlay damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya ayaa garab istaag xooggan loogu muujiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaanka oo ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda ee Sacuudiga ayaa lagu adkeeyay in la ixtiraamo ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada dhulleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxaa Bayaanka lagu sheegay muhiimadda ay leedahay u hoggaansanaanta mabaadi’da deris-wanaagga iyo wax wada qabsiga, iyadoo dowladina aysan ku xad gudbeynin dowlad kale.

Sacuudiga ayaa ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo xiisadda iyo colaadaha gobolka sii kordhinayo laga shaqeeyo nabad-gelyada iyo xasilloonida geeska afrika, taasoo gacan wanaagsan ka geysanayso horumarinta iskaashiga iyo isdhexgalka dalalka gobolka.

Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa bilaabatay 1-dii bishan kadib markii ay is-afgarad kala saxiideen Itoobiya iyo Somaliland kaasi oo mas’uuliyiinta Somaliland sheegeen inuu u horseedayo inay Itoobiya aqoonsato iyadoo taas beddelkeedana Somaliland ay dhul 20km oo bad ah ka kiraynayso Itoobiya.

Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay is-afgaradkaasi oo ay sheegtay inuu xadgudub ku yahay madaxbannaanida iyo midnimadeeda dhuleed, waxayna Soomaaliya u tixgelisa Somaliland qayb ka mid ah Soomaaliya.

Laakiin dhinaca kale Itoobiya iyo Somaliland labaduba waxay difaaceen is-afgaradka. Somaliland waxay ku sheegtay war saxaafeed ay toddobaadkan soo saartay in dawladda Soomaaliya ay turjumaad qalad ah ka bixinayso is-afgaradkaasi, Somaliland-na aysan ka mid ahayn Soomaaliya, sida war saxaafadeedkaas lagu sheegay.

- Advertisement -