Xamaas oo Farriin usoo dirtay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh

Ururka Xamaas ee u dagaalama madax banaanida dhulka Falastiin ayaa dhambaal hambalyo ah usoo diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 15-kii bishan lagu doortay Muqdisho.

Madaxa xafiiska siyaasadda dhaq-dhaqaaqa Xamaas Ismaaciil Haniyah ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh guusha uu doorashada ka gaaray, waxa uuna u rajeeyay horumar iyo guulo badan dowladda cusub.

“Ka Xamaas ahaan iyo guud ahaan Shacabka Falastiin waxa aan fariintaan hambalyada ah u diro Walaalaheen Soomaaliyeed gaar ahaan Madaxweynaha aan walaalaha nahay ee la doortay, waxa aan ugu duceyneenaa Horumar iyo Barwaaqo, innaga oo u rajeyneyno wax u qabadka Qaranka iyo dadka” ayuu yiri Ismaaciil Haniyah.

Madaxa xafiiska siyaasadda dhaq-dhaqaaqa Xamaas Ismaaciil Haniyah ayaa ku booriyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh in uu gacan ka geesto madax banaanida Falastiin una muujiyo garab istaag.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo soo diray dhambaallo badan oo hambalyo ah oo uga imaaneysay madaxda waddamo kala duwan iyo ururo caalamka ka jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -