Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Axmed Maxamed Almuwallad (Sawirro)

Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Abdi Hashi Abdullahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Saalax Almuwallad .

Safiirka ayaa Guddoomiyaha ugu yimid salaan sharafeed iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa, iyo sida hufnaanta laheyd ee ay u qabsoontay doorashadii Guddoonka Aqalka Sare iyo tii Madaxwaynaha Jamhuuriyadda.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanaka federaalka iyo safiirka Sacuudiga u jooga Soomaaliya ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen kor u qaadidda xiriirka Labada Dal ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Safiirka Boqortooyada Sacuudiga u jooga Soomaaliya ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxda dalka ugu sareysa sida Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya iyo guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sargaal loo heesto la shaqeynta Al Shabaab oo maxkamad lasoo taagay (Sawirro)

Cabdi Cade

Dhismihii Ergada Joogtada Liibiya ee QM oo albaabada loo laabtay iyo sababta keentay

Cabdi Cade

Intee la egtahay Rajada laga qabo in Dowlada Somalia laga cafiyo Deymaha lagu leeyahay ?

admin
Taboola Ads ---