Sirdoon hor dhac u ahaa Safar Joi Biden ku tagayay Kuuriyada Koonfureed oo la tarxiilay

Labo nin oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa la saaray diyaarad dib ugu celisay dalkooda kaddib markii ay ku lug yeesheen “muran buuq dhaliyay” oo ka dhacay Kuuriyada Koonfureed.

Raggan – oo qayb ka ahaa wafdi hor dhac ah oo Madaxweyne Biden uga sii hor maray Kuuriyada Koonfureed oo uu dhawan booqasho ku tagayo – ayaa cabitaan u doonto baarar kala duwan oo khamriga lagu cabo, sida ay tabiyeen warbaahinta Mareykanka.

Mid ka mid ah labada xubnood ee ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa la sheegay in uu muran gacan ka hadal watay la galay darawal Taksi oo maxali ah.

Ma jirin cid la qabtay ama loo xiray arrintaas balse booliska magaalada Seoul ayaa baaritaan ku sameeyay dhacdada.

“Hay’adda sirdoonku way ka war qabtaa in ay dhacdo aan shaqada ku saabsanayn ku lug yeesheen labo ka mid ah shaqaalaheeda, taasoo noqon karta ku xad gudub nidaam”, ayuu yiri afhayeen u hadlay laanta Sirdoonka Mareykanka oo bayaan soo saaray.

Waxa uu sarkaalkani sheegay in labada nin ee shaqaalaha ahba loo diray fasax uu maamulka ka warqabo, maqnaanshahoodana uusan saamayn ku yeelan doonin safarka Mr Biden.

Socdaalka uu Madaxweynaha Mareykanka ku tagay Seoul ayaa noqonaya lugta koowaad ee booqasho afar maalmood ah oo uu ku marayo dalal ka tirsan qaaradda Aasiya, xilli uu gobolkaas kusii kordhayo walaaca laga qabo awoodda militeri ee Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -