Imaaraadka Carabta oo lacagtii loo fasaxay ugu deeqay dowlada Somalia

Madaxweynaha cusub ee dowlada Imaaraatka Carabta Max’ed Bin Zayid ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 35 Milyan oo Dirham oo u dhiganta $9.6 Milyan oo Dollar.

Wakaalada Imaaraadka Carabta wararka u faafisa ee WAM ayaa qortay in Madaxweynaha Imaaraadka Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu amray in lacagtaas lagu wareejiyo Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa lacagtan ugu talo galay in wax looga qabto abaaraha ka jira qeybo ka mid ah Soomaaliya

Lacagtan ayaa aheyd tii laga xanibay dowlada Imaaraadka Carabta sanado ka hor taasoo maanta laga saaray bankiga dhexe laguna wareejiyey safiirka Imaaraadka Carabta inkastoo hadda loogu deeqay Somalia.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, si uu uga qeyb galo tacsida Allaha u naxariistee madaxweynihii geeriyooday ee Imaaraadka, Sheikh Khaliifa Bin Zayid Al-Nahyaan, isagoo sidoo kale madaxweynaha cusub ee dalkaas Sheikh Maxamed Bin Zayid u gudbin doona hambalyo iyo salaan uu uga wado madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

- Advertisement -