Madaxweyne Putin oo Raaligelin ka bixiyay hadal kasoo yeeray Wasiir Sergei Lavrov

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Ruushka Sergei Lavrov, ayaa si weyn uga careesiiyay maamulka Yahuuda ee Israa’iil, kaddib markii uu sheegay in Hoggaamiyihii Naasiga Adolf Hitler uu ku jiro dhiig Yahuud.

Maamulka Israa’iil ayaana hadalkaasi si weyn uga carrootay, waxa ayna dowladda Ruushka ku dhaleeceeyeen hadalka kasoo yeeray Wasiirkooda arrimaha dibadda , waxa ayna ka dalbadeen in hadalkaasi raaligelin ka bixiyaan.

Madaxweynaha dalka Rushka Vladimir Putin, oo telfoon kula xariiray Ra’isul Wasaaraha maamulka Israa’iil Naftali Bennett, ka raaligeliyay hadalka carrada abuuray ee kasoo yeeray Wasiirkiisa arrimaha dibadda.

War kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Ruushka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uga cudur daaray maamulka Israa’iil hadalka kasoo baxay Sergei Lavrov, hadalkaas ayaana dhaliyay carro Ruushka uga timid dadka Yahuuda ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -