Maamulka Gobolka Gedo oo si adag uga hor yimid Qorshe maamulka Jubbaland wadaan

Maamul goboleedka Jubbaland uu hoggaamiyo Sheekh Axmed Madoobe ayaa dadaal badan ugu jira sidii mar kale gacanta maamulkooda loogu soo celin lahaa gobolka Gedo halkaasna looga saari lahaa ciidamo badan oo dowladda geesay.

Labadii sanno ee ugu dambeeyay gobolka Gedo waxaa ka jiray maamul kasoo horjeeda Jubbaland oo si toos ah uga ammar qaadanayay Villa Soomaaliya, waxaana maamulkaasi garab siinayay ciidamo badan oo dowladda gobolkaasi geesay.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo, Axmed Buulle Maxamed , ayaa  sheegay in aysan marnaba raali ka aheyn in gobolka Gedo laga saaro ciidankii horey loo keenay, waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in wali Gedo ka jirto baahidii markii hore ciidanka loo geeyay.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha gobolka Gedo in Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud uu xog ogaal u yahay xaaladda gobolka, isla-markaana ay wanaag uun ka filayaan dowladdiisa.

“Shalay caawinta shacabkooda ayay ku yimaadeen, marka xuduudooda la qaadanayay, badoodana la rabay in la qaato, dhulkana dhul Soomaaliyeed weeye, dhul dal kale ah ma’aha, meel kasta ayay taggi karaan.” ayuu yiri guddoomiyaha Gedo.

Maamulka Jubbaland ayaa gacan weyn ku lahaa guusha uu doorashada ka gaaray Madaxweyne Xasan Sheeh, waxa ayna Jubbaland rejo badan ka qabtaa in mar kale gobolka Gedo maamulkiisa gacantooda kusoo laabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -