Allbanaadir.com
NEWS

Dil ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Kooxo biskoolado ku hubeesan oon heebtooda la garan ayaa maanta barqadii sargaal katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya waxa ay ku dileen xaafad katirsan degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir.

Sargaalka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Laba xidigle Aadan Cusmaan, ayaa xilliga la dilayay waxa uu ku sugnaa goob aan xaafadiisa ka fogeyn, waxaana la sheegay in kooxda hubeesan dhoor xabadood ku dhufteen.

Ciidamo katirsan dowladda ayaa dilka kadib goobta soo gaaray, ciidamada ayaana ku guuleesan in ay soo qabtaan kooxdi dilka geesatay oo goobta si degdeg ah uga baxsatay sida dadka deegaanka sheegeen.

Magaalada Muqdisho ayaa xilliyada qaar waxaa ka dhaca dilal qorsheesan oo loo geesto askar iyo shaqaale katirsan dowladda, waxaana inta badan baxsada kooxaha hubeesan ee dilalkaasi geesta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir hore oo loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka ….

Cabdi Cade

Wasaaradda amniga oo soo saartay ammar ku socda dadka hubka Sharci darrada ah ku heesta Muqdisho

Cabdi Cade

(Sawirro) Maxay ka wada hadleen Wasiirka arrimaha Gudaha Serbia & danjiraha Somalia?

Caydiid Ali