Ciidamadii ka gadooday Sh/dhexe “Ciidan qabiil Mise kuwo Qaran” (Daawo Sawirro)

Madaxda Dowladihii talada isaga dambeeyey tobankii sano ee la soo dhaafay mid walba waxaa uu sheegayey iney wadaan dib u dhis lagu sameeyo ciidanka Xoogga dalka balse midkoodna arintaas si buuxda uguma guuleysan.

Dib u dhiska ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ka taagnaa welina aan xal loo helin mushkilado badan oo isugu jiray kuwo farsamo, dhaqaale, moral iyo qaar dabiici ah oo waqtigu keenay.

Haddaba iyadoo maalmahan ay taagneyd tirakoob ay dowladu ku sameyneyso ciidanka xoogga dalka ayaa waxa gadood sameeyey  boqolaal askari oo ka soo baxay degaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe iyagoo ka cabanaya mushahar la’aan muddo afar bilood ah.

Ciidamadan ayaa marka hoos loo dhaadhaco u abaabulnaa qaab qabiil, iyadoo taas ay cadeyn u tahay wasiirada iyo saraakiisha loo diray iney soo qanciyaan intooda badan oo ah kuwo ciidankaas ay isku beel yihiin.

Wasiirada la diray waxaa ka mid ah Wasiirka amniga gudaha, wasiirka warfaafinta iyo abaanduulaha ciidamada xoogga dalka oo qaarkood aysan shaqoba ku laheyn arrimaha milateriga sida ka muuqata xilalkooda, kumana jirin masuuliyiinta la diray wasiirka Gaashaandhiga iyo taliyaha ciidanka XDS oo iyagu ah masuuliyiinta arimaha ciidamada ku shaqada leh.

Arintan ayaa muujineysa in dib u dhiska ciidamada xoogga dalka ay weli tahay (fari kama qodna faanoole), maadaama weli nidaamka beelaha uu si weyn saameyn ugu leeyahay arrimaha ciidamada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -