Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Britain oo Ballanqaaday saddex arrimood oo ay kala shaqeen doonto Maadxweyne Xasan Sheekh

Dowladda Britain ayaa hambalyo usoo dirtay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ku guuleestay doorasho uu kula tartamayay musharaxiin badan uu ku jiray Madaxweyne hore Farmaajo.

Wasiirka Britain u qaabilsan arrimaha Afrika Vicky Ford, ayaa qoraal ay soo saartay ugu hambalyeesay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh, waxa ayna sheegtay in UK soo dhaweeneyso isbadalka Soomaaliya maamulkeeda ka dhacay.

Waxay sheegtay Wasiirka in dowladda Britain ay kala shaqeyn doonto madaxweynaha cusub saddex arrimood oo ay kamid yihiin dadaallada ku aadan xoojinta amniga, la dagaallanka Shabaab iyo taakuleynta dadka ay saameeyeen abaaraha.

Dowladda Britain ayaa kamid ah dowladaha reer Galbeedka ee sida weyn u taageera dowladda Soomaaliya, waxaana Britain ballanqaaday in arrimaha saddexda ah kala shaqeyn doonto maamulka cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al Shabaab oo qarxiyay Ceelal Biyood iyo xarumo isgaarsiineed oo kuyaalla Galmudug

Cabdi Cade

Akhriso) Labo arrimood oo la sheeg iney caqabad ku yihiin shirka Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Ciidamada Liyuu Booliis oo afduub iyo dhibaatooyin kale ka geesta gudaha Soomaaliya

Cabdi Cade