Allbanaadir.com
NEWS

Beeraleyda Jaadka Kenya oo ku farxay Guul darada Farmaajo iyo Guusha Xasan Sheekh

Beeraleyda Jaadka dalka Kenya ayaa si weyn ula socday doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee shalay ilaa xalay ka socotay teendhada Afisiyooni ee Muqdisho, waxa ayna beeraleyda ku duceesanayeen in Farmaajo looga adkaado doorashada.

Ururka Ganacsatada Khaatka ee Kenya oo magacooda loo soo gaabiyo NYAMITA ayaa qoraal ay soo dhigeen bartooda Facebooka waxa ay hambalyo ugu direen Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Beeraleyda jaadka dalka Kenya ayaana si weyn ugu farxay in laga guuleesto Madaxweyne Farmaajo ay ku tilmaameen cadawga jaadka Kenya, waxa ayna si weyn usoo dhaweeyeen isbadalka ka dhacay madaxtinimada Soomaaliya.

“Waxaanu rajeyneynaa horumar ka dhaca Soomaaliya iyo isdhexgal wanaagsan oo gobolka ah. Kheyr baan kuu rajeyneynaa mudane Madaxweyne Xasan Sheekh .” ayey ku yiraahdeen qoraalka kasoo baxay beeraleyda Jaadka Kenya.

Beeraleyda Jaadka dalka Kenya ayaa horey Madaxweyne Farmaajo ugu tilmaamay cadowgooda nolosha, waxa ayna sheegeen in hada rejo cusub ka qabaan in dib u furmo suuqa ganacsiga jaadka Kenya ee Soomaaliya haddi Farmaajo meesha ka baxay.

Dowladda uu hoggaaminayay Madaxweyne Farmaajo ayaa sannado kahor mamnuucday jaadka laga keeno dalka Kenya, waxa ayna dowladda fasaxday in suuqyada Soomaaliya lagu iibiyo jaadka hareeriga ee laga keeno dalka Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amaro lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho oo lasoo saaray

Cabdi Cade

Ciidanka ECOWAS ee ku duulaya dalka Niger oo heegan la geliyey & Mareykanka oo..

Caydiid Ali

Haweeney Ra’isul Wasaare ah iyo Seygeeda oo kala tagay sannado kaddib guurkooda

Cabdi Cade