Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo qarxiyay Ceelal Biyood iyo xarumo isgaarsiineed oo kuyaalla Galmudug

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa saakay aroor hore weerar ku qaaday deegaano katirsan gobolka Galgaduud, waxa ayna miinooyin ku qarxiyeen ceelal biyood iyo sidoo kale xarumo isgaarsiineed.

Sida aan wararka ku helnay dagaalyahanada Al Shabaab ayaa qarxiyay matoorada ceel biyood iyo shirkado isgaarsiineed oo kuyaalla deegaanada Maarsamage iyo Cadokibir oo hoostaga degmada Baxdo ee gobolka Galguduud.

Dagaalyahanadii Al Shabaab ee qarxiyay matoorada ceelasha iyo xarumaha isgaarsiinta ayaa isaga baxay deegaanada ay saakay weerareen, lamana soo sheegin khasaaro kale oo ka dhashay weerarka Al Shabaab.

Deegaanada ceelasha laga qarxiyay ayaa horey waxaa uga jirtay abaar iyo biyo yari, waxa ayna tani sii kordhineysa dhibaatada markii hore heesatay dadka kunool deegaanada Maarsamage iyo Cadokibir .

Al Shabaab ayaa bilooyin kahor weerar ay ku qaadeen degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud kala kulmay khasaaro aad u xoogan, waxaana Al Shabaab halkaasi looga dilay ku dhawaad 80-dagaalyahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Safiirka Itoobiya oo dhambaal soo gaarsiiyay Guddoomiye Aadan Madoobe (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii ugu dambeeyey dagaalo culus oo ka dhacay degaan hoos taga degmada Guriceel

Caydiid Ali

Dowlada iyo Ahlu Sunna oo Heshiis Cusub gaaray iyo Xildhibaano badan oo la siiyay Ahlu Sunna

Cabdi Cade
Taboola Ads ---