Codeynta wareega labaad oo dhamaatay iyo tirinta codadka oo bilaabatay

Waxaa socota tirinta codadka wareega labaad ee doorashada Madaxweynaha Somalia, waxaana la furay sanaadiiqda codadka lagu ridayey.

Waxaa wareega labaad si adag ugu loolamay afartii musharax ee ka soo gudbay wareegii hore kuwaasoo kala ah Saciid Cabdullaahi Deni, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xasan Shiikh Maxamuud iyo Xasan Cali Kheyre

Sanduuqii ugu horeeyey ayaa waxaa furay Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo la bilaabay in kor loogu dhawaaqo cod kasta musharaxa helay.

Codadka illaa hadda lagu dhawaaqay ayaa waxaa ku horeeya musharaxa, iyadoo aan la saadaalin Karin natiijada, mar walbana musharax ayaa helaya codad badan oo is xiga xaaladuna wey is bedeli kartaa.

Waxa la filayaa in marka ay tirinta dhamaato uu gudoonka Baarlamanku si rasmi ah ugu dhawaaqo tirada codeysay iyo sida loo kala helay.

Haddii la waayo musharax hela 198 cod oo ah kala bar tirada guud ee xildhibaanada labada aqal waxaa la aadi doonaa wareeg sadexaad oo lagu tartansiinayo labada musharax ee ugu cod badnaa wareega labaad, kuwaasoo cod hal dheeri ah ku kala bixi doona.

La soco wixii soo kordha insha allaah

 

- Advertisement -