RW Rooble oo la kulmay 16-kii Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan casho ah la yeeshay 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Rooble ayaa ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda Qaran ee loo doortay xildhibaanadan isagoo ku boorriyay inay dalkooda iyo dadkooda si hufan ugu adeegaan mudada afarta ah ee metelayaan.

“Waxaa dalka ka jira duruufo adag oo wejiyo kala duwan, waxaa loo baahan yahay waajibna idinka saaran yahay inaad ka shaqeysaan sidii looga bixi lahaa” ayuu Rooble.

Wareegto ka soo baxday dhowaan gudoonka cusub ee golaha shacabka ayaa lagu sharciyeeyey xildhibaanada lagu soo doortay Ceelwaaq, taasoo meesha ka saartay xildhibaano laga garab dhisay oo yimid magaalada Garbahaarey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -