Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad kusoo dhacday buurta Mount Jumbo iyo Khasaaro ka dhashay (Daawo Sawirada)

Diyaarad ay saarnaayeen 11-ruux ayaa dhacday xili ay dul mareysay buurta Mount Jumbo ee gobolka Alaska ee dalka Maraykanka, waxaana shilkan ka dhashay khasaaro dhaawacyo u badan.

Ciidamo katirsan dowlada Mareykanka ayaa u gurmaday Diyaarada dhacday iyo dadkii saarnaa, waxaana ciidamada soo bad baadiyeen 11-kii ruux oo diyaarada saarnaa kuwaa oo qaar badan oo kamid ah qabeen dhaawacyo.

Labo kamid ah diyaaradaha nuuca Qumaatiga u kaca ayaa ka howl galay goobta diyaaradu kusoo dhacday oo aheyd buur , waxaana dadkii shilkan ku dhaawacmay la geeyay xarumo caafimaad.

Baarayaal ayaa su’aalo la xariira waxa shilkan dhaliyay weydiinaya Duuliyihii diyaarada , waxaana dadkii shilkan ka bad baaday qaarkood oo argagaxsan siyaabo kala duwan uga hadleyn shilkan dhacay iyo waxii sababay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Safaaradda Ingiriiska ee Somalia oo bixineysa Abaal Marinta Wariyaha Sanadka ee Soomaaliya

Cabdi Cade

Booliiska oo War kasoo saaray khsaraaha ka dhashay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Ben Fender oo tagay Hargeysa lana kulmay Madaxweyne Biixi (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---