Ben Fender oo tagay Hargeysa lana kulmay Madaxweyne Biixi (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Ben Fender oo maanta Hargeysa ku tagay safar shaqo.

Kulankaa Waxa lagaga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen sidii looga wada shaqayn lahaa siyaasada guud iyo amaanka mandaqada geeska oo ay Somaliland ku leedahay door muuqda oo caalamku ku ixtiraamo, diyaar garawga iyo qabsoomida arrimaha doorashooyinka wakiilada iyo golayaasha deegaanka, geediga dimuquraadiyada, dardar-gelinta iyo kor u qaadida kaalmooyinka horumarineed ee dawladda Ingiriisku ku taageerto Somaliland iyo xoojinta xidhiidhka labada dhinac.

Waxaanu madaxweynuhu safiirka iyo weftiga uu hoggaaminayo warbixin mug iyo miisaan leh ka siiyey horumarka ay ku tallaabsadeen shacbiga iyo maamulka Somaliland oo ah mid ay horeba uga markhaati kaceen caalamku.

Dhiniciisa waxa uu safiirku madaxweynaha ku bogaadiyey sida qiimaha leh ee uu u qaabilay iyo warbiximaha waafiga ah ee uu ka siiyey horumarka ay dal iyo dad ahaanba maamulka  Somaliland ku tallaabsadeen oo mudan in lagaga dayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -