Safaaradda Ingiriiska ee Somalia oo bixineysa Abaal Marinta Wariyaha Sanadka ee Soomaaliya

Kadib kulan wadajir ah oo ay yeesheen Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ay ku marti qaadeen xubno kooban ka tirsan suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ay horkacayeen NUSOJ ,ayaa Safaaradda UK waxa ay si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay taageereyso Abaal Marinta Wariyaha Soomaaliyeed ee sanadkan

Wariyayaasha loo ogolyahay tartankan waa kuwa ku cusub saxaafadda ee ku jiray ugu badnaan sadax sanoama in ka yar iyo ardeyda jaamacadaha ee baraneysa saxaafadda.

Kulankan oo uu goojoog ka ahaa Safiirka u fadhiya Dowladda UK Soomaaliya Mr Ben Fender ,Madaxa waaxda isgaarsiinta iyo Xiriirka Daweynaha ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Carlos ,Afhayeenka UNSOM Joseph Contreras iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka MRS Kirsten Young ayaa waxaa si weyn looga munaaqashooday xaaladaha ay xilligan ku shaqeeyaan suxufiyiinta Soomaaliyeed guud ahaan.

Qaramada Midoobay iyodürden Safaaradda UK ayaa waxa ay qeyb ka yihiin gedij socodka lagu taageerayo warbaahinta Soomaaliyeed iyo xorriyadda saxaafadda.

Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa uga mahad celiyay dowladda UK tallaabada ay ku caawineyso Abaal Marinta Wariyaha Soomaaliyeed oo dhiirigalin weyn u ah suxufiyiinta soo galaya warbaahinta.

Wariayaasha ayaa laga dalbaday in ay ku soo gudbiyaan warbxinada ay ku tartamayaan iyaga oo u dirayaUkinSomalia@gmail.com ka hor 7da bisha Luulyo (July).

Guddi Xeerbeegti ah oo madax bannaan ayaa eegi doona oo  kala saari doona wariyayaasha tartamaya,wakiiladaas oo ka kala iman doona Safaarada UK ee Muqdishoi,Xafiiska Dowladda UK ee Hargeisa ,laanta Africa ee BBC iyo NUSOJ.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -