Allbanaadir.com
NEWS

Doorashada Madaxweynaha oo goordhaw bilaabatay (Yaa ku guuleesan doona ?)

Waxaa goordhaw si rasmi ah u billaabatay doorashada Madaxweynaha 11-aad ee Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya ay ku tartamayaan musharaxiin badan uu ku jiro Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo.

Teendhada Afisiyooni ee doorashada ka socoto waxaa ku sugan guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ,masuuliyiin katirsan dowladda, madaxda maamul goboleedyada iyo wakiillo katirsan beesha Caalamka .

Hoolka doorashada ka dhaceyso waxaa sidoo kale ku sugan musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ,kuwaa oo saacadihii lasoo dhaafay waday olole xooggan ay ku kasbanayeen kalsoonida xildhibaanada.

Doorashada goordhaw billaabatay ayaan wali la saadaalin karin cida ku guuleesan karta, waxaana doorashada ku hardamaya musharxiin culculus ay ku jiraan Saddex Madaxweyne hore, Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka iyo Madaxweynaha Puntland.

Musharaxiintan oo la tilmaamayo in ay yihiin kuwa ugu saameynta badan ee doorashada ayaa la sadaaalinayaa in ay hoggaamin doonaan wareega koobaad ee doorashada si weyna loo saadaalinayo in midkood kusoo bixi doono.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Duqa Muqdisho & khubaro Turki ah oo ka wada hadlay Mashaariic laga fulinayo caasimadda

Caydiid Ali

Kiiska dilkii loo geystay Marxuum Axmed dowlo oo dad cusub loo soo xiray

Caydiid Ali

Walaac xooggan oo laga qabo Gabdho Soomaali ah oo afduub loogu heysto Kenya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---