Saddex Musharax oo isaga haray Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya (Magacyada)

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhaw ka bilaabatay teendhada Afisiyooni , waxaana doorashada durba shaaciyay in ay isaga hareen dhoor musharax oo horey isku diiwaangeliyay.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Madaxweynaha oo goordhaw ka hadlay teenadhada Afisiyooni ayaa shaaciyay in saddex musharax isaga hareen doorashada Madaxweynaha kuwaa oon qeyb ka noqon doonin musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha .

Musharaxiinta la shaaciyay in doorashada ka hareen ayaa kala ah Jibriil Ibraahim Cabdulle, Xuseen Cabdi Nuunow iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed, musharaxiintan ayaana laga reebay liiska kuwa tartamaya.

Waxaa sidoo kale horey u jiray musharaxiin kale oo tartanka shaaciyay in ay isaga hareen kuwaa ay kamid ahaayeen Daahir Geelle iyo musharaxiin kale balse aysan guddiga hada shaacin in doorashada ka hareen.

Doorashada Madaxweynaha waxaa horey isugu diiwaangeliyay ilaa 39-musharax , waxaana hada ka haray doorashada ilaa 3  musharax sida guddiga shaaciyeen, iyadoona la filayo in doorashada hada ku loolamaan ilaa 36-musharax oo qaarkood tartanka ka hareen.

Wareega 2-aad ee doorashada waxaa kasoo gudbi doona afarta musharax ee hela codadka ugu badan kuwaa oo u gudbi doona wareega labaad, waxaana wareeg saddexaad u gudbi doona labada musharax ee ugu codadka badan haddii uusan musharax helin 219-cod.

Doorashada socota ayaan wali la sadaalin karin cida ku guuleesan karta, waxaana musharaxiinta qaar sameeyeen olole xoogan oo ay ku kasbanayeen codadka xildhibaanada codkooda lagu kala bixi doono .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -