Bandow lagu soo rogay magaalada Muqdisho iyo Shacabka oo farriin loo diray

Magaalada Muqdisho oo beri lagu wado in ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhaw lagu soo rogay bandow bilaabanaya caawa sidoo kalana soconaya ilaa maalinta Isniinta.

Ciidamo badan oo kuwa ammaanka ah ayaa lasoo dhigay waddooyin badan oo kuyaala magaalada Muqdisho, kuwaa oo loogu tala galay in ay adkeeyaan ammaanka caasimadda inta ay socdaan doorashada Madaxweynaha.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya oo goordhaw warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in magaalada lagu soo rogay bandow caawa 9-ka fiidnimo ka bilaabanaya kuna eg 16-ka bishan maalinta isniinta saacada marka ay tahay 6-da subaxnimo.

Waxa uu sheegay afhayeenka in gabi ahaan la hakinayo caawa ka bilaabata socodka iyo dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyo mootooyinka, waxaa sidoo kale bandowga saameenayaa dadka socda oo iyaga xitaa la joojiyay.

Booliiska ayaana shacabka ku wargaliyay in la socdaan bandowga magaalada lagu soo rogay ee lagu xaqiijinayo ammaanka doorashada Madaxweynaha, waxa ayna booliiska shacabka ka codsadeen in ay u dulqaataan bandowga lana gacana siiyaan ciidamada.

Magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga dareemayaa diyaar garow ku aadan doorashada Madaxweynaha , waxaana shacabka si weyn isha ugu hayaan shaqsiga beri ku guuleesan doona xilka Madaxweynaha.

Waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa inta badan la xiraa xilliyada ay doorashada dhacayaan, waxaana beri Soomaali u tahay maalin taariikhi ah oo la filayo in ay dhacdo doorashada Madaxweynaha oo waqtigeeda kadib dhacday sannad ka badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -