Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgal milatari ka fuliyay deegaano katirsan gobolka Jubada Hoose ay maamulayeen Al Shabaab.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada huwanta ah ayaa dagaal kooban ay la galeen Al Shabaab waxa ay kula wareegeen deegaanada Kaamjaroon iyo Buulaxaaji oo horey gacanta ugu hayeen Al Shabaab.

Saraakiil katirsan taliska qeybta 43-aad iyo ururka 5-aad ee Kumaandooska ayaa sheegay in guulo ka gaareen howlgalka ay ka sameeyeen deegaano katirsan gobolka Jubada Hoose, waxa ayna sheegeen in gacanta ku hayaan deegaano Al Shabaab ka saareen.

Ciidamada milatariga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa marar badan Al Shabaab waxa ay kala wareegeen deegaano katirsan gobolka Jubada Hooe, ciidamada huwanta ah ayaana marar badan dib uga oo baxay deegaano ay la wareegeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -