Allbanaadir.com
NEWS

Musharax kale oo u tanaasulay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Ololaha oo xoogeestay

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wada olole xooggan ay ku kasbanayaan kalsoonida iyo codadka Xildhibaanada, doorashada lagu wado in beri ka dhacdo teendhada Afiiyooni ee magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wada olole xooggan uu ku kasbanayo musharaxiinta beeshiisa kasoo jeeda iyo sidoo kale Xildhibaanada.

Musharaxan ayaa ku guuleestay in uu kasbado musharaxiin kasoo jeeda Beesha Habar Gidir, kuwaa oo sheegay in ay u tanaasileen Cabdiraxmaan Cabdishakuur sidoo kale qeyb ka noqonayaan ololihiia doorashada.

Dr Cabdi naasir Cabdulle oo kamid ah musharaxiinta isku diiwaangeliyay dooarshada Madaxweynaha ayaa xalay shaaciyay in uu u tanaasulay Cabdiraxmaan Cabdishakuur uuna garab istaagi doono si uu u guuleesto.

Waxaa sidoo kale horey ugu tanaasulay musharaxan Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka haray doorashada una tanaasulay Cabdiraxmaan Cabdishakuur .

Beesha Habar Gidir ayaa sannadkan dooneysa in ay dhisto Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayna isugu geeyaan awwoodooda si uu doorashada ugu guuleesto ama ka keeno codad badan uu ku gorgortami karo.

Qaar kale oo kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wada olole xooggan ay ku kasbanayaan kalsoonida musharaxiin kale si ay ugu tanaasulaan, halka kuwa kalan aay sameesanayaan isbaheysiyo. ay ku duullaan tagaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Ciidamadii Saadaq Joon iyo Indha Cadde oo aag cusub qabsaday iyo Ciidamada Haramcad oo…

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan oo Aargoosi ku hanjabay kadib weerar lagu dilay Ciidamo Turki ah

Cabdi Cade

Dalka Ma Ka Samataxbixi Karaa Darandoorriga Ah: Daad Ama Abaar ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---