Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada magaalada Dhuusomareeb iyo ciidankii Ahlu Sunna oo….

Magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda maamulka Galmudug waxaa shalay ka dhacay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo wadajira iyo xooggag taabacsan kooxda Ahlu Sunna.

Dagaalkii ka dhacay magaalada Dhuusomareeb ayaa dhaliyay khasaaro badan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah, dagaalka ayaa sidoo kale dhaliyay in laga barakaco qeybo badan oo magaalada kamid ah.

Xaalada magaalada Dhuusomareeb ayaa saakay ah mid degan, waxaana magaalada ku sugan oo ammaankeeda gacanta ku haya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug.

Dagaalyahandii Ahlu Sunna ee soo weeraray magaalada Dhuusomareeb ayaa la sheegay in ay joogaan deegaano dhaca duleedka magaaladaasi, waxaa sidoo kale kooxdaasi shalay laga qabsaday deegaanka Bohol ay duullaanka kasoo qaadeen.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalyahanada Ahlu Sunna oo shalay ku fashimay in ay qabsadaan Dhuusomareeb ay mar kale wadaan abaabul dagaal ay ku doonayaan in duullaan kale ku qaadaan magaalada Dhuusomareeb.

Ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa dhankooda ku jira heegan buuxa , waxa ayna ciidamada la sheegay in ay u diyaarsan yihiin iska difaacida kooxda Ahlu Sunna oo mar kale dagaal soo abaabushay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -