Madaxweyne Erdogan oo Aargoosi ku hanjabay kadib weerar lagu dilay Ciidamo Turki ah

Ciidamada milatariga Turkiga ayaa duqeymo culus oo aargoosi ah ku garaacay saldhigyo ay milatariga Siiriya leeyihiin , duqeyntan ayaana looga jawaabay weerar ciidamada Siiriya ku dileen ciidamo katirsan Milatariga Turkiga ee ku sugan gudaha Siiriya.

Saldhig milatariga Turkiga ku leeyihiin gobolka Idlib ayaa waxaa duqeeyay ciidamada milatariga Siiriya, waxaana duqeyntaasi ku dhintay afar kamid ah milatariag Turkiga halka ay ku dhaawacmeen 9-askari oo kale.

Madaxweynaha dalka Turkiga Tayyip Recep Erdogan ayaa sheegay in ciidankooda fuliyeen duqeymo aargoosi ah ay la beegsadeen 46 kamid ah saldhigyada ciidammada milatariga Siiriya leeyihiin.

Erdogan ayaa sheegay in weerarka aargoosiga ah ku dileen ku dhawaad 35-askari oo katirsan ciidamada Siiriya, waxa uuna ku hanjabay in ay sii socon doonaan weerarada aargoosiga ah ay la beegsanayaan milatariga Siiriya.

“Turkigu si xooggan ayuu u aargoosan doonaa. Gooba cayiman ayaan madaafiic ku garaci doonaa. Kuwa raba inay Turkiga ku tijaabiyaan weeararrada fuleynimada ee noocan oo kale ah, waxay ka marag noqon doonaan inay khalad weyn sameeyeen oo cashir aysan hilmaami doonin ayaan u dhigi doonaa”, ayuu yiri Erdogan.

Ciidamada Turkiga ayaa ku sugan qeybo badan oo kamid ah dalka Siiriya, waxa ayna milatariga Turkiga dagaal kula jiraan xoogaga kurdiyinta iyo sidoo kale ciidamada Siiriya oo garab siinaya kooxaha hubeesan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -