Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Al Shabaab oo Weerar Khasaaro geestay ku qaaday Deegaanka Biya Cadde

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaaday saldhig ciidamada ATMIS ku leeyihiin deegaanka Biya Cadde eeĀ  kuyaalla gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Weerarkan ayaa bilowday xilli dadka badi ay hurdayeen , waxaana tiro madaafiic ah ku dhaceen xaafado katirsan deegaanka Biya Cadde gaar ahaan xaafadaha ku dhaw dhaw saldhiga ciidamada ATMIS.

Dadka deegaanka ayaa khal khal iyo cabsi xooggan ka qaaday madaafiicda deegaanka lagu garaacay, waxa ayna dadku ku qasbanaadeen in guryahooda isku soo xiraan maadaama xilli habeen ah aheyd.

Labo qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen madaafiicda xalay lagu soo weeraray deegaanka Biya Cadde,Ā  lamana oga in madaafiicda khasaaro kasoo gaareen ciidamada ATMIS ee saldhigooda lagu weeraray, kuwaa oo iyana madaafiic kale ku jawaabay.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli maalmo kahor Al Shabaab weerar xooggan ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS ku leeyihiin deegaanka Ceel-Baraf halkaas oo lagu dilay askar badan oo katirsan ciidamada ATMIS.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iran: “Waa dhamaaday wejigii dulqaadka & is-xakameynta”

Caydiid Ali

Madaxweyne Erdogan oo Aargoosi ku hanjabay kadib weerar lagu dilay Ciidamo Turki ah

Cabdi Cade

Trump: “Sirdoonka Maraykanka waa inay ku laabtaan dugsiyada si ay wax u soo bartaan”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---