Trump: “Sirdoonka Maraykanka waa inay ku laabtaan dugsiyada si ay wax u soo bartaan”

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu baaqay laamaha sirddoonka dalkiisa in aysan waxbo kala socon arrimaha dalka Iiraan isagoo dhinaca kale xusay ineysan jirin khatar la sheegay inay dalkiisa uga imaaneyso dhinaca Kuuriyada Waqooyi.

“Waa in aad iska ilaalisaan Iiraan, sirddoonka waa inay dib ugu laabtaan waxbarashada ama dugsiyada si ay wax u soo bartaan” ayuu Trump ku yiri bartiisa Twitter-ka.

Hadalka khalafsan ee kasoo baxay Donald Trump ayaa ku soo beegmaya xilli sirddoonka Mareykanka ay shaaciyeen warbixin sheegaysa in Iiraan aysan ku howlaneyn sameynta hubka Nukliyerka.

Waxay sidoo kale sheegeen inay u muuqato in Kuuriyada Waqooyi aysan weli ka harin howsheedii aheyd sameynta iyo keyddinta hubka Nukliyerka.

Agaasimaha laanta sirddoonka Gina Haspel ayaa aqalka sare u sheegay in Iiraan ay farsamo ahaan u hoggaansantay heshiiska Nukliyerka inkasta oo uu Mareykanka kusoo roggay cunaqabatayn.

Qoraallo uu ku soo bandhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in saraakiisha sirddoonka Mareykanka ‘aysan ogeyn khatarta uga imaaneyso dhinaca Iiraan ayna u muuqato kuwo aanan heyn wax jawaab ah oo ay uga falcelinayaan halistaas’.

Trump waxaa uu sidoo kale sheegay in Iiraan ay khas iyo jahwareer ka abuurtay gobolka Bariga Dhexe iyo meel kale tan iyo sannadkii 2016-kii balse ay isbadashay markii Mareykanka uu ka baxay barnaamijka Iiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -