Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa maanta halkaas tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed.
Ciidankan oo noqonaya dufcaddii 16-aad oo tababar heerkeedu sarreeyo ku qaadata dalka Jabuuti.
Taliyaha oo khudbad u jeediyey dufcaddan cusub ee Ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed, ayaa kula dardaarmay gudashada waajibka qaran ee loo tababaray.
Tababarka dufcaddani ayuu sheegay iuu qeyb ka yahay, dadaallada dib loogu dhisayo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay u hantaan sugidda amniga dalka iyo ilaalinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.