Masuuliyiin katirsan Dowlada Somalia oo Xukuno kala duwan oo xabsi ah lagu riday (Magacyada)

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta xukuno kala duwan oo xabsi ah ku riday masuuliyiin katirsan Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Soomaaliya oo lagu helay in ay ku kaceen musuq maasuq.

Masuuliyiintan oo dhoor bil xabsiga ugu jiray eedeymo la xariira lacago Wasaarada caafimaadka laheyd oo la musuq maasuqay ayaa maxkamadeyntooda waxa ay soo martay heerar kala duwan iyadoona ugu dambeyn maxkamada dambiyo ku heshay qaarkood.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaana xubnaha lag helay dambiga musuq maasuqa ah ku riday xukuno kala duwan oo xabsi ah iyo ganaax lacageed, waxa ay sidoo kale maxkamada sii deysay qaar kamid ah eedeesanayaasha oo lagu waayay wax dambi ah.

Halkan ka Akhriso magacyada masuuliyiinta xukunka lagu riday

1: Agaasimihii Wasaaradda Caafimaadka Cabdullaahi Xaashi Cali oo lagu eedeeyay xatooyo Xoolo dadweyne,waxaana lagu xukumay 9 sano oo xariga ah iyo ganaax lacageed oo dhan $2366 oo Dollar.

2: Agaasimaha Waaxda Maamulka & Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Maxamuud Buule Maxamuud oo lagu helay fal la xiriira xatooyo Xoolo Dadweyne, waxaana lagu xukumay 18 sano oo xariga ah iyo ganaax lacageed oo dhan $2366 oo Dollar.

3: Madaxa Xisaabadka ee mashruuca wacyigelinta Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka Mahdi Abshir Maxamed oo lagu helay xatooyo xoolo dadweyne, waxaana lagu xukumay 12 sano oo Xabsi ah ah iyo ganaax lacageed oo dhan $2366 oo Dollar.

4: Madaxa mashruuca mallaariyada ee Wasaaradda Caafimaadka Bashiir Cabdi Nuur waxaa lagu xukumay Saddex Sano oo Xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 1183.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa sidoo kale xuriyadooda usoo celisay shan eedeesane oo kale oo kiiskan Musuq maasuq ee ka dhacay Wasaarada caafimaadka  lagu tuhmayay kuwaa oo Maxkamada ku weysay wax dambi ah .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -