Aaska weriye Shariin Abuu Aqel oo lala sugayo walaalkeed oo ka imanaya Somalia

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda la aaso Weriye ka tirsaneyd warbaahinta Al Jazeera oo la toogtay xilli ay kasoo warrameysay duullaan ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen dhulka la heysato ee Daanta Galbeed gaar ahaan deegaanka Jenin.

Sida ay baahisay Aljazeera, duugta weriye Shiriin ayaa lala sugayaa walaalkeed oo Qaramada Midoobey u shaqeeya oo ka imanaya Soomaaliya.

Wareysi uu telefishinka Al Jazeera la yeeshay qaar kamid ah ehelka weriyaha la dilay ayaa sheegay in Shariin Abuu Caqiil walaalkeed uu ka tirsan yahay shaqaalaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya isla markaana lagu wado in dib uu ugu laabto Falastiin xilli walaashii maanta la toogtay.

Mid ka mid ah saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in Shireen Abu Akleh ay dileen ciidamada Israa’iil xilli ay ka warbixineysay weerar ka dhacay magaalada Jenin, oo todobaadyadii lasoo dhaafay ay kordheen weerarada ay ciidamadu geysanayaan.

Shariin Abuu Caqiil ayaa waxaa toogtay ciidamada Israa’iil, sida ay sheegtay warbaahinta Aljazeera ee Qatar fadhigeedu yahay, Waxaana sidoo kale la toogtay weriye kale inkasta uu dhawaac soo gaaray.

Militariga israa’iil ayaa sheegay in ciidamadooda ay rasaas ku fureen kadib markii ay rasaas xoog leh kala kulmeen Jenin, waxayna intaas ku dareen ‘inay suurta gal tahay, in suxufiyaddan ay ku dhimatay rasaas ay soo fureen falastiiniyiintu’, laakiin hadda uu socdo baaritaanka dhacdan.

 

- Advertisement -