Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo shaacisay magaca iyo Dalka uu kasoo jeedo Ajnabi fuliyay weerar Ismiidaamin ah

Al Shabaab ayaa baahisay wareysi ay ka qaadeen nin ajnabi ah oo katirsanaa dagaalyahanadooda, kaa oo fuliyay weerar ismiidaamin ah oo lagu daah furay weerarkii Al Shabaab ku qaadeen saldhiga ciidamada ATMIS ku lahaayeen deegaanka Ceel-Baraf.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa tabisay in weerarka ismiidaaminta ah uu fuliyay Jamaal Diba Diida oo loo yaqaan Zubeyr Al Muhaajir, ninkan ayaana u dhashay dalka Kenya  gaar ahaan waxa uu kasoo jeeda magaalada Isiolo.

Wareysi uu bixiyay kahor inta uusan fulin weerarka is qarxinta ayuu ku sheegay ninkan in uu ku faraxsan yahay weerarkan uu fulinayo, waxa uuna sheegay in uu beegsanayo cadaw soo duulay uuna ilaah ugu dhawaanayo is qarxintiisa.

Al Shabaab dagaalyahano katirsan ayaana weerarka is qarxinta uu ninkan fuliyay kadib ku daatay xeradii ay joogeen ciidamada ATMIS ee Ceel-baraf, waxa ayna halkaasi ku dileen ciidamo badan oo katirsanaa ATMIS gaar ahaan kuwa kasoo jeeday dalka Burundi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xarun Shirkada Isgaarsiin Hormuud ay laheyd oo la Burburiyey 

Cabdi Cade

Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye oo shir xasaasi ah yeeshay iyo qodobbo kasoo baxay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir ka tirsan Xukuumada Somalia oo loo heysto Musuq & fadeexad soo shaac baxday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---