Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Liyu Boolis oo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo hubkooda (Sawirro)

Ciidanka Gaarka ah ee dowlad degaanka Soomaalida (Liyuu Boolis) ayaa sheegay iney qabteen 8-xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab ah iyo hubkoodii.

Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in raggan hubeysan ay ka soo qabteen tuulada Hilomadaw oo ka tirsan degmada Ceelkari.

Guutada 2-aad ee Xoogga ciidanka gaarka ah ee ka hawlgala gobolada Erar, Afdheer iyo Nogob waxay sheegeen iney si hoose ula socdeen, ayna dhammaan kooxdii iyo hubkii ay wateen  gacanta ku soo dhigeen.

Agabka ay wateen ayaa ka koobnaa qorayaha Ak 47, rasaas iyo 10 baasuukeYAAL, waxayna ciidanku ku soo bandhigeen goob fagaare ah.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Guudlaawe oo ku laabtay Jowhar si weyna loogu soo dhaweeyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ku geeriyooday dalka Turkiga

Cabdi Cade

Taliska Milatariga oo ka hadlay hub la sheegay in lagala baxay Wasaaradda Gaashaandhigga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---