Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Deni iyo Musharaxiin kale oo isku diiwaan geliyey doorashada Madaxweynaha

Maalintii 3aad waxaa xarunta aqalka sare ee magaalada Muqdisho ka socota diiwaan-gelinta musharaxiinta u taagan doorashada madaxweynaha Somalia.

Dhowr musharax ayaa saaka qaatay shahaadada musharaxnimo, iyadoo diiwaangelintu weli socoto lana filayo iney Musharaxiin kale is diiwaan geliyaan.

Musharaxiinta saaka qaatay shahaadada waxaa ka mi ah Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni, isagoo noqonaya Madaxweynihii labaad oo Puntland xil ka haya oo xilka Madaxweynaha Soomaaliya isu sharaxa.

Sanadkii 2004 ayay aheyd markii  Madaxweynihii hore Marxuum C/llaahi Yuusuf oo xilligaas Madaxweyne ka ahaa Puntland uu isku sharaxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuna guuleystay doorashadii lagu qabtay Mbagathi ee dalka Kenya.

Sidoo kale musharaxiinta kala ah Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi iyo Maxamed Amiin Faarax ayaa qaatay shahaadada musharaxnimo ee madaxweynaha Somalia.

Galabta saacadu marka ay tahay afarta galabnimo ayaa la filayaa in la soo gebagebeeyo diiwaan gelinta musharaxiinta Madaxweynaha sida ay sheegeen guddiga labada aqal ee doorashada Madaxweynaha.

https://m.youtube.com/watch?v=bC8cl5jkCFg

Related posts

Madaxweynaha Jubbaland oo xariga ka jaray isbitaal lagu daryeelayo Ciidamada (Sawirro)

Cabdi Cade

Ururada Siyaasadda Puntland oo shuruudo adag ku xiray doorashada qof iyo cod (Akhriso)

Cabdi Cade

Ruushka iyo Taliban oo ka hadlay xanta sheegaysa iney wada shaqeeyaan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---