Farmaajo oo bilaabay Ololihisa doorashadda, halku-dheg yaab lehna la baxay

Madaxweynaha xiligiisu dhamaaday ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa bilaabay ololihiisa doorashada ee uu mar kale ku doonayo inuu xafiiska ku sii joogo afarta sano ee soo socota.

Talaabadan ayaa meesha ka saartay shaki badan oo laga qabay in Farmaajo uusan isku soo sharaxi doonin doorashada Madaxweynaha oo haatan 9 cisho oo kaliya ay ka hartay.

“ISBEDDEL DOONKA SOCDA ee uu Hoggaaminayo Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu dalka u horseedayaa adkaynta hay’adaha Dawladda, xoojinta amniga, dib-u-habaynta dhaqaalaha, taabbogelinta siyaasadaha arrimaha dibadda iyo gudaha, iyo horumarinta arrimaha bulshada iyo adeegyada dadweynaha. 4-ta sano ee soo socota ISBEDDEL DOONKA SOCDA wuxuu dalka gaarsiinayaa horumar ballaaran oo dalka oo dhan ka hirgala” ayuu yiri madaxa warfaafinta Villa Somalia Abdirashid M. Hashi oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.

“Haddii Isbaddalku noqdo qof in lagu baddalo qof iyadoo aan tixgelin la siinin waxqabadka uu la iman karo, waxaa ka dhalanaysa inay habacsanaan ku timaaddo dadaalkii joogtada ahaa ee la galiyay 5tii sano ee lasoo dhaafay dhismaha qaran Soomaaliyeed oo cagahiisa isku taaga” ayuu intaas ku daray  Abdirashid M. Hashi.

Ereyga isbedel doon waxaa inta badan adeegsada musharaxiinta Mucaaradka, waxaana dad badan la yaab ku noqotay in Farmaajo uu ololihiisa doorashada u adeegsado isla ereygaas, waxaana la isweydiinayaa hadii uu Farmaajo yahay isbedeldoon cida uu bedelayo. maadaama uu weli xafiiska xafiiska fadhiyo.

Dadka wax falanqeeya ayaa tilmaamay in ereyga (Isbedeldoonka socda) loola jeedo inaanu weli dhammaan isbedelkii uu Farmaajo doonayey shan sano ka hor, loona baahan yahay waqti kale oo lagu dhameystiro.

 

- Advertisement -