(Daawo Sawirro) Cali Bashar oo loo gacan geliyey Booliska Jarmalka & Sababta ka dambeysa

Nin reer Ciraaqi ah oo la sheegay inuu qirtay kufsi iyo dil uu u gaystay gabar yar oo Jarmal ah ayaa dib loogu celiyay Jarmalka.

Cali Bashar oo ku guuldarraystay inuu magangalyo helo isagoo 20 jir ah ayaa la waayay ka dib markii la helay maydka Susanna Maria Feldman 14 jir ah oo la ceejiyay.

Arrintaasi waxay bishii hore ka dhacday magaalada Wiesbadenb.

Jimcihii ayaa lagu xiray gobolka Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq, booliiskuna waxay sheegeen in uu dambigaas qirtay.

Booliis hubaysan oo wajiyada qarsaday ayaa Sabtidii geeyay xarunta ugu wayn booliiska magaalada Wiesbaden Sabtidii.

“Waxaan ku faraxsanahay in eedaysanaha lagu maxkamadaynayo dalka Jarmalka” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Horst Seehofer oo war qoraal ah soo saaray.

Arrintan ayaa Jarmalka ka soo cusboonaysiisay doodad ku saabsan siyaasadda soogalootiga.

Booliiska ismaamulka Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq ayaa sheegay in ay Bashar ka qabteen gobolka Duhok ee uu ka soo jeedo, ka dib markii ay la soo xiriireen masuuliyiin Jarmal ah.

Gabar la dilay hooyadeed ayaa booliiska u sheegtay in ay la’dahay gabadheeda taariikhdu markay ahayd 23 bishii May.

Maydka Susanna ayaa laga helay goob dhir leh oo u dhaw xarun ay dagan yihiin dadka magangalyo doonka ah, iyadoo Ceejin iyo kufsi ayaa la isugu daray.

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa aad loogu dhaliilay go’aankii ay xuduudaha Jarmalka ugu fasaxday soo galootiga markii uu mashaakilka qaxootigu ka taagnaa Yurub 2015kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -