Doorashada kursigii ay ka dhimatay Marxuumad Aamino Max’ed oo lagu kala baxay

Guddiga doorashoouinka Hirshabelle ayaa xalay xilli dambe Magaalada Jowhar ku qabtay doorashada Kursiga Hop135, oo ay ka geeriyootay Xildhibaanad Aamino Maxamed oo lagu dilay qarax ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Kursigan oo degaan doorashadiisu aheyd Beledweyne ayaa loo soo wareejiyay Jowhar, waxaana ku guuleystay Maxamed Aadan Daahir oo helay 52 cod, Musharrixiintii la tartamay oo kala ahaa Maxamed Nuur Xuseen  iyo Amran Xuseen Isaaq ay kala helay 48 iyo 1.

Kursiga Hop135 oo Isha lagu hayay cidda loo dooran doono ayaa dadka isku soo sharaxay waxaa ka mid ahaa Samiiro Maxamed Cabdi oo la dhalatay Alle ha u Naxariistee Xildhibaan Aamino taasoo isaga hartay tartanka sababo aan la sheegin awgood.

Maamulka Hirshabeelle ayaa dhameystiray doorashada xubnaha golaha shacabka marka laga reebo kursiga HOP086 oo horay loogu doortay la taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir balse Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay diideen, isla markaana go’aamiyeen in lagu celiyo doorashadiisa.

- Advertisement -