Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Midowga Yurub oo go’aan kama dambeys ah ka qaatay shidaalka laga keeno Ruushka

Madaxweynaha Guddiga Yurub, Ursula von der Leyen, ayaa soo jeedisay in gebi ahaanba la mamnuuco shidaalka laga soo dhoofiyo Ruushka.

Arrintan ayaa qeyb ka ah tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee cunaqabateynta ka dhanka ah xukuumadda Moscow.

Waxay baarlamaanka Yurub u sheegtay in shidaalka ceyriin iyo kan la sifeeyay ee Ruushka meesha laga saari doono illaa dhammaadka sanadkan.

Shiinaha ayaa ah macmiilka ugu weyn ee Ruushka – Balse waxa ay taasi ka dhigan tahay kaliya shan meelood meel marka la eego shidaalka laga dhoofiyo Ruushka.

Waxaa jira warbixino sheegaya inay jiraan ganacsato ka timid Hindiya iyo Shiinaha oo jabiyay saliidda Ruushka ee la dhimay – laakiin xitaa taasi ma xiri doonto hoos u dhaca iibka.

Related posts

Xisbiga Himilo Qaran oo si kulul u difaacay cabashada Ganacsatada

Caydiid Ali

Intee la egtahay Rajada laga qabo in Dowlada Somalia laga cafiyo Deymaha lagu leeyahay ?

admin

Madaxtooyada Puntland oo si adag u beenisay Hadal kasoo yeeray Duqa Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---