Imaaradka Oo Iibsanaya Guryo kuyaala Qudus iyo arin halis ah oo ka dambeysa

Sheekh Kamal Khadiib oo ah ku-xigeenka madaxa ururka Xamaas ee magaaladda Qudus ayaa sheegay in nin ganacsade ah oo reer Qudus oo ay isku dhow yihiin Maxammed Daxlaan oo kal hore  laga saaray ururka Fatax in uu  ku hawlan yahay iibsashada aqalada duuga ah ee kuyaala qaybtii hore ee Magaaladda Qudus waxaana uu wakiil uga yahay Maalqabeeno u dhashay dalka Imaaraadka Carabta

Waxa sheekh Khadiib oo arrinka ka hadlaya uu ku qoray boggiisa uu ku leeyahay Facebook,ga in nin ganacsade ah oo Imaaraatka u dhashay oo  ah kuwa aad ugu dhow in amiirka imaaradda Abu Dhabi Maxammed bin Zayed uu ka shaqaynayo sidii uu iibsan lahaa aqalada iyo daaraha ku dhagan Masjidka Al-Aqsa gaar ahaan,isagoo la kaashanayo ganacsade reer Qudus ah oo ay isku dhow yihiin Maxamada Daxlaan.

Al-Khadiib ayaa tilmaamay in qof deggan mid kamid ah aqaladan Qudus loo soo bandhigay in laga siisanayo qiime gaaraya $ 5 million oo dollar aqalkiisa ku dhagan masjidka,laakiinse iska diiday qiimaha loo soo bandhigay in lagaga iibsado.

Waxa sheekh Khadiib uu intaa raaciyay in markii uu ka diiday codsigooga kor loo qaaday qiimahan oo laga dhigay $ 20 million oo dollar, laakiin isku daygooga inay kusoo jiitaan isaga uu guuldareystay.

Sheekh Khadiib ayaa ka digay in dhaqdhaqaaqyadan ay dadka soo xasuusinayaan “kaalintii taliska Maxammed bin Zayed” uu kulahaa iibsiga aqalo markii dambe gacanta laga galiyay hay’adaha qaabilsan degaamaynta Yuhuuda ee degmooyinka Silwan iyo Wadi Xilwa ee magaaladda Qudus sidii dhacday 2014.

Sheikh Kamal Khatib oo wareysi siiayay televishanka “al-Qudus” sanadkii 2015,ayaa sheegay in dadka ka tirsan Imaaraadka Carabta ay khiyaameen dadkii lahaa aqalo kuyaala Qudus iyaga oo u sheegay in ay yihiin dadka iibsanaya iyo maalgashadayaal Carab ah oo damacsan inay dib u dhisaan magaalada Qudus,laakiinse markii dambe la ogaaday in aqaladan laga iibiyey Yuhuuda lagu deegaameeyo dhulka Falastiin,waxana Qudus tii hore qaybo kamid ah ay isku badishay deegaan Yuhuud leedahay.

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)

E-Mail: Abdiazizh99@Gmail.Com

Source: Middleeastmonitor

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -