Maraykanka oo War kulul ka soo saaray weerarklii Al-Shabaab ku leysay ciidanka Burundi

Maraykanka ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii 3-dii bishan May lagu qaaday xerada Ceel-baraf oo ay deganaayeen ciidamada Burundi ee tirsan hawlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS.

Qoraal uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka Ned Price ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu tacsi u dirayo ciidanka dalka Burundi, khasaarihii ka soo gaaray weerarkii ka dhacay xerada Ceel-baraf ee ay geysteen ururka Al-Shabaab.

Afhayeenka ayaa sheegay in dalkiisu uu garab taagan yahay ciidanka Burundi.

“Ciidamada Burundi waxay door geesinimo leh ka qaateen hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya, muddo sannado ah” ayuu yiri afhayeenka

Maraykanka ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu weli sii wado taageerada uu siiyo hawlgalka ATMIS iyo ka hortagga dhibaatada argagixisada.

Ugu yaraan 30 akari oo u dhashay Burundi ayaa lagu dilay, 20 kalena way ku dhaawacmeen weerarkii Al-Shabab ay ku qaadday saldhigga Ceel Baraf ee Gobolka Shabeellada Dhexe

Sarkaalka Burundi u dhashay, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo saxaafadda, ayaa sheegay in toban askari ay isla goobta ku dhinteen, halka inta kale ay dhaawacii soo gaaray u dhinteen. Waxaa sidoo kale uu sheegay inay jiraan askar la la’yahay.

 

- Advertisement -