(Sawirro) Aadan Madoobe oo amniga doorashada la wareegay, digniina siiyay Xijaar, Farey & Biixi

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa isugu yeeray dhammaan saraakiisha ugu sareysa ciidamada qalabka sida.

Shirkan waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga doorashada dalka iyo sidii qaab xasiloon loogu  soo gebaggeyn lahaa.

Saraakiisha ciidanka ayaa looga  digay in aysan ku milmin siyaasadda, amniga doorashadana ay kaga amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo Madaxweyne.

Saraakiisha laamaha amaanka ayaa dhinacooda ka waramay qorsheyaasha ay ugu talo galeen sugida  amniga doorashada, iyagoo balan qaaday iney dedaalkooda xoojin doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -