Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo shaacisay in ay kordheen tirada Ciidamada ATMIS uga dileen weerarkii saakay

Al Shabaab ayaa shaacisay in khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiiyeen ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi weerarkii ay saakay ku qaadeen saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-Baraf.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo saakay ku weeraray saldhig ciidamada ATMISĀ  ku leeyihiin deegaanka Ceel-Baraf , waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado badan socday oo dhaliyay khasaaro kala duwan.

War goordhaw kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegeen in ay soo gabagabeeyeen howlgalkii ay ka wadeen saldhiga ciidamada ATMIS ku lahaayeen deegaanka Ceel-Baraf, waxa ayna xuseen Shabaab in dagaalkaas guulo weyn ka gaareen.

Al Shabaab ayaa sheegtay in dagaalka ku dileen 173-askari oo u dhashay dalka Burundi tiro kale oo badana ku dhaawaceen, waxa ay sidoo kale Al Shabaab sheegeen in nolosha ku qabteen qaar kamid ah askartii Burundi.

Waxa ay sidoo kale Al Shabaab sheegeen in dagaalka ku furteen hub kala duwan iyo agab ciidan, waxa ayna shacabka ku dhaqan deegaanka Ceel-Baraf u fasaxeen in ay bililiqeestaan saldhiga ciidamada ATMIS ee weerareen.

Xaalada deegaanka Ceel-Baraf ayaa hada degan, waxaana saldhigii saakay la weeraray dib ula wareegay ciidamadii ATMIS ee horey ugu sugnaa iyo ciidamo kale oo halkaasi gurmad u tagay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan howlgal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Donald Trump oo lagu qariyay god kuyaala Aqalka Cad ee Mareykanka

Cabdi Cade

Jeneraal Tuuryare” Uma qadanayo waxii xalay dhacay shil yar wax ku talagal ah bay aheyd & isku day dil “

admin

Madaxweynaha Faransiiska oo ku baaqay kordhinta tallaabo ka dhan ah dowladda Ruushka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---