Olole xooggan oo ka socda Muqdisho iyo Musharaxiinta qaar oo kasbaday Xildhibaano badan

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda olole xooggan ay wadaan qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ,kuwaa oo kasbasho ugu jira xildhibaanada labada Aqal ee dooranaya Madaxweynaha.

Guryaha ay degan yihiin Musharaxiinta madaxweynaha qaarkood ayaa laga dareemayaa mashquul badan , waxaana ku qul qulaya xildhibaano iyo sidoo kale siyaasiyiin caan ku ah ololaha iyo kasbashada Xildhibaanada.

Gollaha Midowga Musharaxiinta oo hal garab ahaa ayaa markan kala furtay, waxaana musharax kasta si gooni ah u wataa ololihiisa doorashada, waxaana jira musharaxiinta qaar oo dagaal siyaasadeed ka dhax bilaabay.

Musharaxa ugu saameynta badan ee ololaha xoogan Muqdisho kawada ayaa noqday Musharax Xasan Cali Kheyre, waxaana har iyo habeen hoyga uu degan yahay Musharaxan ku qul qulaya xildhibaano tiro badan oo taageero u muujinaya.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya hadana ah Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa saaxiibo badan ku dhax leh xildhibaanada labada aqal, waxa uu sidoo kale Kheyre taageero badan ka helaya siyaasiyiin mugweyn leh oo qeyb ka ah ololihiisa.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sannadkan ka adag kana saameyn badan doorashadii hore, waxaana doorashada ku loolamaya musharaxiin saameyn badan oo isku garbinaya helitaanka halka kursi ee dhax yaala Villa Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -