Allbanaadir.com
NEWS

Danjire Cali Cagabaruur oo farxada ciida la qeybsaday Soomaalida kunool Kampala (Sawirro)

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Uganda danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur) ayaa maanta farxada ciida la qeybsaday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kunool magaalada Kampala .

Danjire Cali Cagabaruur ayaa salaada ciida kaddib booqasho ku tagay xaafada Soomaalida ku badan ee kutaala magaalada Kampala, halkaas uu kula kulmay waxgaradka Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliya.

Waxa uu kala sheekeestay  Danjiraha dadkii uu la kulmay farxada ciida iyo sidoo kale xaaladaha kala duwan ee ku sugan yihiin, waxa uuna u sheegay in Kampala u joogo sidii uu uga warqabi lahaa xaalada dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi kunool.

Dadkii uu la kulmay Danjiraha ayaa uga mahadceliyay booqashada uu ugu yimid, waxa ayna sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in ay heestaan danjire u kuur galaya xaalada dadka uu matalo una taagan har iyo habeen wax u qabashadooda.

Soomaalida kunool dalka Uganda gaar ahaan magaalada Kampala ayaa si weyn ula dhacsan shaqada uu hayo safiirka dowladda Soomaaliya u jooga dalka Uganda, oo tan iyo markii dalkaasi ka shaqo bilaabay wax badan u qabtay Soomaalida kunool dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haweeneydii laga sii daayey afduubka Al-Shabaab oo xil sare loo Magacaabay

Caydiid Ali

Dayuuradaha dagaalka Israel oo weeraray Garoomada Dimishiq iyo Xalab ee Siiriya

Caydiid Ali

Diyaarad Rakaab oo laga shakiyay in Bam wado oo loo kiciyay Diyaarado dagaal

Cabdi Cade
Taboola Ads ---