Diyaarad Rakaab oo laga shakiyay in Bam wado oo loo kiciyay Diyaarado dagaal

Diyaarad rakaab oo ay la socdeen 144 ruux iyo lix shaqaale ayaa waxaa lasoo darsay xaalad jahwareer ah kadib markii laga shakiyay in qof kamid ahaa rakaabka diyaarada saarnaa uu wato bambaano.

Dowlada Singapore ayaa go’aan deg deg ah qaadatay diyaarado dagaalna u dirtay diyaarada hawada ku jirtay ee laga shakiyay in bam saaran yahay, waxaana markii dambe diyaarada lagu guuleestay in si nabad galyo ah ugu degto garoon diyaaradeed.

Baaritaano deg deg ah oo lagu sameeyay diyaarada markii ay soo cago dhigatay garoonka Changi Airport ayaa lagu ogaaday in bamka laga shakiyay uu ahaa mid been abuur ah.

Wasiirka difaaca ee dalka Singapore Ng Eng Hen ayaa  sheegay in dowlada Singapore ay hanjabaad kaste ay run u qaadan doonto inta laga xaqiijinayo in ay been tahay ayna dadaal badan ku bixin doonto bad qabka dadkeeda.

“Labo diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ayaa hareeraha ka maray diyaaradda, balse waxaa markii dambe caddaatay in waxa digniinta laga soo diray ay been ahayd, sikastaba ha ahaatee, Ciidammada Cirka ee  Singapore markaste heegan ayay ku jiri doonaan” ayuu Ng Eng Hen.

Diyaarada bamka beenta ah looga shakiyay ayaa waxaa iska laheyd shirkada diyaaradaha Scoot , waxa ayna diyaaradan ay la socdeen 144 rakaab ah kasoo duushay dalka Filibiin .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -