Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Haweeneydii laga sii daayey afduubka Al-Shabaab oo xil sare loo Magacaabay

Silvia Romano oo u dhalatay dalka Taliyaaniga isla markaana bilo ka hor laga sii daayey afduub ay muddo u heysteen Al-shabaab ayaa waxaa loo xil saaray inay hormuud ka noqoto olole looga hortagayo Islaam naceybka dalka Talyaaniga ka jira.

Ururo ah kuwa bulshada rayidka oo fadhigoodu yahay magaalada Milan ayaa waxay Romano iyo 8 qof oo kale u magacabeen inay qeyb ka noqdaan mashruuc loogu ololeynayo sidii looga hortagi lahaa Islaam naceybka.

Silvia Romano oo qaadatay Diinta Islaamka ayaa waxay horey u sheegtay in hanjabado iyo daleeceen loo jeediyay, iyadoo sababaha loogu magacaabay xilkan lagu sheegay inay tahay qof caan ah isla markana qudheeda la kulantay falal la xiriira Islaam naceybka.

Caa’isha Romano waxay aheyd samafale ka howgeli jirtay xarun lagu daryeelo carruurta agoonta ah oo ku taalla koonfurta bari ee Kenya,  Koox hubeysan ayaa bishii November ee sannadkii 2018-kii ka afduubatay halkaas, waxaana loo kaxeystay dhinaca Soomaaliya, iyadoo la rumeysan yahay in kooxdii afduubka geysatay ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab oo markii dambe looga sii daayey lacag madax furasho ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo xanibaad saartay qeybo ka tirsan Gedo & dowlada Somalia oo shaacisay xiliga..

Caydiid Ali

Xaalad deg deg ah oo mar kale lagu soo rogay guud ahaan dalka Talyaaniga (Sababta)

Caydiid Ali

Labo Shirkadood oo caan ah oo Dayactir ku sameenaya Isbitaalka Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---