Booliiska oo Shaaciyay Magaca iyo xogta ninkii dilay Atooraha Badda iyo Lacag sababtay dilka

Waxaa xalay xaafada Taleex ee degmada Hodan lagu dilay Cismaan Salaad Daahir oo loo yaqaanay (Atooraha badda) oo ahaa askari katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya sidoo kale caan ka ahaa baraha bulshada.

Askarigan la dilay ayaa warar horey usoo baxay sheegayeen in dilkiisa fuliyeen kooxo biskoolado ku hubeesan kuwaa oo dilka kadib goobta ka baxsaday, hasa ahaatee baaris booliiska sameeyeen ayaa lagu ogaaday cida dishay atooraha badda.

Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in atooraha Badda dilkiisa ka dambeeyay askari kale oo saaxiib ahaayeen oo lagu magacaabo Shuceyb Leefleefow oo ay isla jili jileen filimaanta kawana tirsanaayeen booliisaka .

Waxa uu sheegay afhayeenka in markii hore dilka la marin habaabiyay balse baaris ay sameeyeen booliiska ku ogaadeen xaqiiqada, waxa uuna tilmaamay marxuumka la dilay iyo ninka dilka geestay oo saaxiibo ahaa isku qabsadeen lacag ay muxsiniin usoo direen in lagu caawiyo dad masaakiin ah.

” Baaris dheer kaddib booliiska waxa ay ogaadeen in ay is qabsadeen Atooraha Badda iyo saaxiibkiis ,kuwaa oo isku qabsaday lacagta loo soo diray oo aad u badatay ay sababtay in ay gacanta iskula tagaan ugu dambeyna halkaasi lagu dilay Atooraha Badda, gacan ku dhiiglaha ayaana qirtay in dilkaasi fuliyay” ayuu yiri afhayeenka booliiska.

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay lacagta dhalisay khilaafka dilka keenay ay gaareysay lixdan kun oo Dollar oo dad muxsiniin ah soo uruuriyeen si loogu caawiyo dadka masaakiinta ah ee kunool Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

- Advertisement -