Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) James Swan oo hal arrin ku amaanay Madaxweynaha Hirshabelle

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen  ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ambasador Jemes Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay qodobo badan oo ay ka mid yihiin dedejinta  howlaha Doorashooyinka, Amniga, bini’aadanimada, iyo dardargalinta Mashaariicyada UN-ka u hayaan Hirshabeelle.

Ambassador James Swan ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen doorashadii aqalka sare ee ka dhacday Magaalada Jowhar oo u qabsoontay si daahfurnaan ah.

James Swan ayaa intaa ku daray in QM  ay dhijacyo badan ka taageerayso maamulka Hirshabelle iyo Maamulada kale ee dalka, ayna diyaar u yihiin iney gacan ka siiyaan qabashada doorashada xubnaha golaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Erdogan oo dilkii Khashoggi si toos ah ugu eedeeyay Madaxda sare ee Sacuudiga

Cabdi Cade

Diyaarado dagaal oo lagu soo riday dagaal ka dhacay magaalada Omdurman

Cabdi Cade

Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo mar kale dib u dhacday iyo Sababaha keenay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---